Madaxweyne Trump oo u hanjabay Dowladda Afqaanistaan.

0
8

 Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa toddobaad gudihiisa markii labaad ka hadlay dib u helidda Maraykanka ee saldhiggii cirka ee Bargam oo ku yaalla dalka Afqaanistaan.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, waxaa ku hanjabay in “Haddii Afgaanistaan aysan dib ugu celin saldhigga Bagram kuwii dhisay, oo ah dowladda Mareykanka, waxyaalo xun xun ayaa dhici doona”.

Madaxweyne Trump ayaa arrintan ka hadlay markii ugu horreysay labo maalmood ka hor mar uu shir jaraa’id la qabanayey ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer magaalada London: “Mareykanku waxa uu isku dayayaa in uu dib u soo celiyo saldhigga cirka ee Bagram ee Afgaanistaan”.

Wuxuu sheegay in maamulkiisu isku dayayo inuu dib u helo saldhiga cirka ee Bargam ee Afghanistan “tani waxay noqonaysa war deg dega ah”

Mr. Trump wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanka laga yaabo inay la wareegto saldhigga Bagram iyada oo loo marayo “nooc heshiis ah oo lala galo Taalibaan,” hase yeeshee ma cadda sida heshiiskaas loo samaynayo.

Haddii taas ay dhacdo, waxay noqon doontaa isbeddel layaab leh oo ku yimaada Taalibaan, oo muddo dheer dagaal ugu jirtay sidii ay ula wareegi lahayd Afgaanistaan iyadoo ka soo horjeedday dowladdii uu Mareykanku taageerayey, islamarkaana dooneysay inay dalka ka saarto ciidamadiisa.

Iyagoo ka jawaabaya hadalka Trump, xukuumadda Taalibaan waxay meesha ka saartay inay dib u soo celiso saldhigga cirka ee Bagram.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Afqanistaan ayaa bartiisa X ku qoray in labada dal midba kan kale uu la shaqeeyo “iyadoo aysan jirn joogitaan ciidan oo Maraykanka ku leeyahay Afqaanistaan”

Ka dib weerarkii Sebtembar 11, 2001-dii ee al-Qaacidda ku qaaday magaalooyinka New York iyo Washington, Bagram waxay ahayd saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee Afgaanistaan labaatankii sano ee dagaalka.

Saldhigga ayaa mar waxaa ku yaallay maqaayado sida Burger King iyo Pizza Hut oo loogu tala galay ciidamada Mareykanka, waxaana sidoo kale ku yaallay dukaamo lagu iibiyo wax kasta laga soo bilaabo elaktroonigga ilaa roogag Afgaanistaan ah. Bagram waxa kale oo uu ku yaalay xabsi weyn.

Saldhigga ciidamada cirka ayaa la dhisay intii uu socday duullaankii Midowga Soofiyeeti ee Afgaanistaan, balse markii dambe wuxuu noqday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ilaa ay Talibanka dib ula wareegeen gacan ku heynta Afgaanistaan 2021-kii.

Ka hor inta aysan ciidamada Mareykanka ka bixin saldhigga ciidamada cirka ee Bagram ee Afghanistan, taliska dhexe ee Mareykanka wuxuu sheegay in la burburiyay ku dhowaad 16,000 qalab ah oo yaallay saldhigga.

Dhaqaale xooggan ayaa Maraykanka uga baxay muddaddii dheerayd ee ay ciidamadiisu joogeen Afqaanistaan. Xogta rasmiga ah waxay muujineysaa tan iyo sanadkii 2002, in Mareykanka uu mashaariicda dib u dhiska dalkaas ku isticmaalay 143.27 bilyan oo doollar.

In ka badan kala bar 88.32 bilyan oo doollar ayaa loo isticmaalay maalgelinta ciidamada amniga iyo militeriga Afghanistan.

Ku dhawaad 36 bilyan oo doollar ayaa loo adeegsaday barnaamijyada maamulka iyo horumarinta halka dhaqaale yar loo qoondeeyay la dagaallanka daroogada iyo arrimaha gargaarka.