Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Qeybgalaya Kalfadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay?

0
6

Magaalada New York ayaa martigelinaysa kalfadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo si rasmi ah u furmi doona berri, 22ka Sebtembar 2025, Kalfadhigan ayaa ah mid muhiim ah oo sannadle ah, waxaana ka qeybgali doona madaxda dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, si ay uga doodaan caqabadaha ugu waaweyn ee caalamka horyaalla.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada New York, si uu uga qeyb galo kalfadhigan heerka sare ah, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad rasmi ah oo uu kaga hadlayo arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, caqabadaha ay wajahayso, iyo kaalinta ay Soomaaliya ka qaadaneyso dadaallada beesha caalamka.

Doodaha sannadkan ayaa xooga saari doona arrimaha isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku leeyahay dunida, Hoggaamiyeyaasha ayaa raadin doona xalal waara oo lagu yareyn karo khataraha ka dhasha isbedelka deegaanka, iyadoo diiradda la saarayo tallaabo wadajir ah oo caalami ah.

Sidoo kale, ajandaha kulamada waxaa ku jira xoojinta nabadda iyo amniga caalamka, dib-u-habeynta hay’adaha caalamiga ah, wax ka qabashada saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Inta uu socdo kalfadhigu, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu la kulmo hoggaamiyeyaal dhowr ah oo caalami ah, si uu uga wada hadlaan danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.