Madaxweynaha Soomaaliya oo codsaday in dib loo dhigo Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Soomaaliya?

0
4

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah uga codsaday hoggaanka Baarlamaanka in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka oo markii hore lagu waday inuu furmo maanta oo Sabti ah, sida uu horey u shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Farriin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in furitaanka kalfadhigaas la qorsheeyay in dib loo dhigay ilaa 29-ka Sebtembar, taasoo ku beegan bartamaha toddobaadka soo socda.

Sida ku cad Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ayaa leh masuuliyadda furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana lagu wadaa inuu jeediyo khudbad ku saabsan waxqabadka dowladda intii lagu jiray fasaxa Baarlamaanka.

Dib-u-dhaca kalfadhiga wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Muqdisho ay ka socdaan hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay wadaan mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Tani waxay muujinaysaa in dowladda hadda jirta ay wajaheyso caqabado siyaasadeed oo soo food saaray, iyadoo kalfadhiga soo socda uu noqon doono mid xasaasi ah oo laga filayo dooddo adag iyo miisaamid siyaasadeed oo heer sare ah.

Go’aanka lagu dib dhigay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ayaa u muuqda mid la xiriira duruufaha siyaasadeed ee haatan taagan, iyo baahida loo qabo wadatashi dheeri ah oo u dhexeeya madaxda dowladda iyo xubnaha Baarlamaanka.