Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xoogga saaraya qorshaha uu ku saldhigayo musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay sheegeen ilo ku dhow.
Saciid Deni ayaa billaabay kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah Wasiirradiisa si ay ugu yaraan u helaan qorshe waara oo uu ku gaari karo hamiga uu ka leeyahay in uu qayb ka noqdo tartanka Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa uu xoogga saarayaa la kulanka wakiillada kala duwan ee Beesha Caalamka si loo helo dhabbihii lagu gaari lahaa heshiis isu soo dhaweynaya masaafada ay kala joogaan Dowladda Federaalka maadaama ololihiisa iyo arrintaan ay isku xiran yihiin.
Deni ayaa Madaxda Isutagga Imaaraatka Carabta oo xiriir dhow kala dhaxeeya kala kaashanaya arrintaan sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, waxa uu ku dhaqaaqi doonnaa natiijo weliba oo uga soo baxda tallaabooyinka hordhaca ah uu qaadayo.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa u xusul-duubaya in Xildhibaannada Baarlamaanka 12aad ee xiga kan haatan jooga dib loogu celiyo dib usoo xulashada Dowlad-Goboleedyada si uu halkaas uga helo awood uu ku xulan karo xubnaha uu rabo.
Haddii uu waayo qorshahaas isla markaana ay dhacdo si ka duwan doorashadii 2022 ee xulista Baarlamaanka waxa uu ka fakirayaa qorshihii uu samayn lahaa sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyada kala duwan ee la socda dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Siciid Deni.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Siciid Deni uu ku howlan yahay shir uu isugu keenayo xubnaha mucaaradka ah ee siyaasad ahaan kasoo horjeeda Dowladda Federaalka si uu halkaas uga dhex helo isbahaysi siyaasadeed uu ku gaari karo hamigiisa ah xilka Madaxweynaha JFS.