Maxaa ka jira xil ka qaadista Muungaab.?

0
4

Isniin 15 Sep 2025 {HMC} Sida muuqata dagaal adag ayaa ka socda Facebook, kadib markii maalmahii lasoo dhaafay uu Muungaab lacagta ka jartay dad u badnaa masaakiin & shaqaale hoosaad, kadibna uu ku bedelay kuwa ay qaraabo yihiin, waxaana la abuuray dacaayad lagu baahiyay suuqa, si loo khaldo ra’yul caamka guud.

Markii lagasoo gudbay boosaskii dadkii hoose, waxaa jiray maalmahii lasoo dhaafay dhowr qof oo kale oo boosaskii laga tuuray, waxaana lagu bedelay xigtada Guddoomiyaha, taas oo ayaana abuurtay kacdoonka cusub, muddo si hoose loo qarinayay kadib hadda ayuu bannaanka usoo baxay.

Guddoomiye Muungaab waxa uu hadda wajahayaa laba mushkilad oo waaweyn, waana musuq baahsan & kacdoon isaga ka dhan ah oo ka imaanaya beelaha ay kasoo jeedaan dadka uu boosaska ka tuurtay.

Ma jirto illaa & hadda in la go’aamiyay xil ka qaadistiisa, laakiin waxaa haysta culeys ku filan.

Boqol maalin oo musuq maasuq ah.