Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa galinkii dambe ee Shalay kusoo bandhigay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud hub iyo maxaabiis nolol looga qabtay kooxda Al-shabaab dagaalkii ka dhacay degmadaas Jimcihii lasoo dhaafay.
Maxaabiista nolosha lagu qabtay oo ahaa laba nin ayaa warbaahinta kasoo muuqday iyagoo garbo duub u xiran, waxana saraakiisha ciidamadu balan qaadeen in si wanaagsan loola dhaqmi doono inta looga wareejinayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Goobta lagu soo bandhigay maxaabiista iyo hubka laga furtay maleeshiyaadka Al-shabaab waxaa ku sugnaa Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamed Dhagaweyne, Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Saahid Jaamac Faarax Jareere iyo saraakiil kale.
Saraakiisha ayaa sidoo kale isla goobta abaalmarin lacageed ku guddoonsiiyay askari la sheegay inuu ka hortagey gaarigii kooxdu kasoo buuxisay walxaha qarxa oo ay ku doonayeen iney ku qabsadaan degmada Ceeldheer.
Ugu dambeyntii weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Jimcihii degmada Ceeldheer ayaa la sheegay inuu ahaa weerarkii ugu weynaa oo ay kooxdu ku qaado degmadaas tan iyo markii la xureeyay Ceeldheer sanadkii 2022-kii.