FAAH-FAAHIN: AS oo Dagaal Culus ku qaaday Degmadda Ceel-dheer.

0
3

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortagay weerar ay kooxda Al-Shabaab saakay ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa dagaal culus la galay xubnaha kooxda, sida ay sheegeen illo deegaanka ah.

Weerarka ayaa lagu bilaabay gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa hub culus iyo madaafiic garbaha laga tuuro oo labada dhinac ay adeegsadeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay in ay ka hortageen isku dayga Al-Shabaab ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan magaalada xeebta ku taalla ee ku dhow koonfur-bari gobolka Galgaduud.

Inkasta oo dagaalkaas oo socday in ka badan hal saac aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay, haddana wararka qaar ayaa tilmaamaya in xaalad kacsanaan ahi weli ka jirto gudaha Ceeldheer.

Labada dhinac ayaa guulo kala sheegtay, iyadoo mid kasta uu ku dooday in uu gacanta ku hayo goobta, isla markaana uu khasaare culus gaarsiiyay kan kale.

Si kastaba, ilaa hadda lama hubo tirada dhabta ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.