Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya iyo Tansaaniya OoKhilaaf soo kala dhex galay.

0
3

 Diblumaasiyiinta Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tansaaniya ayaa waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya oo la xiriira ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan safar ku tagey dalka DRC Congo.

Ganacstada oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa socdaal ku tagay magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo, si ay u sahmiyaan fursamo maalgashi oo lagu sameynayo dahabka iyo macdanta.

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo sidoo kale mas’uuliyadda Soomaaliya uga wakiil ah dalka Congo ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Facebook ku cambaareysay safarkaasi, iyadoo sheegtay inaan wax ogeysiis ah laga siin.

Waxay ku tilmaantay tallaabadaasi jebin ku ah xeerarka diblomaasiyadda iyo nidaamka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu yiri:

“Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxay hoos timaaddaa mas’uuliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya marka la eego ilaalinta danaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Socdaalka lagu sheegay inuu hoggaaminayay Safiirka Kenya, oo ay la socdeen ganacsato Soomaaliyeed iyo Kenyan ah, laguma wargelin safaaradda Soomaaliya. Sidaasi darteed, waxa loo arkaa jebinta xeerarka diblomaasiyadeed iyo shuruucda Wasaaradda Arrimaha Dibadda.” 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrintan, mana cadda in tallaabo anshaxeed laga qaadi doono dhinacyada ku lugta leh.