Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba.
Garoonkan ayaa lagu dhisay isku-tashi ay iska kaashadeen maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanka, waxaana uu ka mid yahay mashaariicda muhiimka ah ee kor u qaadaya adeegyada iyo isku socodka bulshada gobolka.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa Madaxweynaha waxaa kala qeybgalay mas’uuliyiin heer qaran iyo heer gobol ah, madax dhaqameedyo, culimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Buur Hakaba.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ku ammaanay shacabka iyo Maamulka Degmada Buur Hakaba dadaalka iyo iskaashiga ay muujiyeen, isagoo sheegay in dhismaha garoonkan uu caddeyn u yahay in shacabka Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin in ay hormar sameeyaan marka ay isku duubni iyo dadaal wadanimo muujiyaan.