Milateriga Israa’iil ayaa burburiyey dhismo dabaq dheer ah oo ku yaalla Magaalada Qasa, waana dhismihii labaad oo weyn oo ay bartilmaameedsadaan muddo laba maalmood gudahood ah.
Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter, soo dhigay muuqaal muujinaya burburka dhismaha, isagoo ku qoray: “Waan sii wadeynaa.”
Ciidamada Difaaca Israel (IDF), oo ballaarinaya howlgaladooda gudaha Qasa, ayaa sheegay in Dhismaha Sussi Tower ay isticmaaleysay Xamaas – balse kooxda hubeysan ayaa beenisay arrintaas.
Weli lama caddayn tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, ka hor duqeyntii Sabtidii, Israa’iil ayaa mar kale warqado ku daadisay si ay ugu baaqdo Falastiiniyiinta in ay u guuraan aagga ay ugu yeerto “aagga bani’aadantinimo” ee ku yaalla koonfurta.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, afhayeenka IDF ee luuqada Carabiga Avichay Adraee, ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay “ku biiraan kumannaanka qof ee horay u aaday” al-Mawasi – oo ah aag u dhexeysa Khan Younis iyo xeebta.