Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in shacabka Mandera ay ku sugan yihiin xaalad amni ah oo wanaagsan, islamarkaana aysan halis ugu jirin dagaalka xuduudka ka socda ee u dhexeeya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kooxda Al Shabaab, iyo ciidanka Jubbaland.
Wasiir Murkomen oo ka hadlayay magaalada Kakamega intii lagu guda jiray madal amni oo la yiraahdo Jukwaa la Usalama, ayaa si kulul u dhaleeceeyay qaar ka mid ah madaxda mucaaradka oo uu ku eedeeyay in ay siyaasad ka dhigayaan arrimaha amniga, gaar ahaan xaaladda Mandera.
Wuxuu sheegay in arrimaha noocaas ah aysan ahayn kuwo lagu siyaasadeeyo maadaama ay khatar ku yihiin amniga qaran.
“Waxay banaanka u soo baxayaan iyaga oo si aan xadidneyn uga hadlaya arrimo amni. Waa maxay nooca siyaasadda ay ka raadinayaan arrimaha noocaas ah? Dhab ahaantii, nasiib-darro ayey ahayd in dad noocaas ah ay waligood ka mid noqdeen Golaha Amniga Qaran,” ayuu yiri Murkomen.
Wuxuu sidoo kale xusay in amniga xuduudaha, gaar ahaan kan Mandera, uu u baahan yahay faham qoto dheer oo ku saleysan siyaasad dibadeed iyo istiraatijiyad lagula tacaalayo khatarta Al Shabaab.
Wasiirku wuxuu muujiyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay sugidda amniga xuduudaha iyadoo la kaashaneysa hay’adaha ammaanka iyo dowladaha deriska ah.
Murkomen wuxuu farriin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka isaga oo ku booriyay in ay ka waantoobaan faafinta warar been abuur ah oo wax u dhimaya sumcadda dalka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga.