Guddigii ka socday Masar oo soo gabagabeeyay qiimeynta Soomaaliya.

0
7

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Qiimaynta ee ka socday Dowladda Masar, uuna hoggaaminayay Sareeye Gaas Islam Aly Ibrahim Radwan, kadib markii ay soo gabagabeeyeen socdaalkii lixda maalmood ee ay ku joogeen Soomaaliya.

Ujeeddada socdaalka Guddiga ayaa ahayd qiimeyn iyo u kuurgalid ku aaddan sidii loo diyaarin lahaa ku biirista ciidanka Masar ee Hawlgalka AUSSOM, taasoo qayb ka ah dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinayo taageerada la siiyo Soomaaliya xilligan kala guurka ah.

Wakiilka Gaarka ah ayaa uga mahadceliyey Dowladda Masar iyo kooxda qiimaynta sida ay uga go’an tahay ka qeyb qaadashada howlaha nabad ilaalinta, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay soo daabulida guutada cusub ee Masar.

Danjire Diene ayaa xusay in kusoo biirista ciidanka Masar ay sare u qaadi doonto awoodda AUSSOM ee taageeridda dadaallada xasilinta, nabadeynta iyo amniga Soomaaliya.

Danjire Diene wuxuu sheegay in AUSSOM ay si buuxda uga go’an tahay in la fududeeyo geeddi-socodka dejinta iyo isdhexgalka ciidanka cusub si ay gacan uga geystaan xoojinta amniga iyo taageeridda hay’adaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Sareeye Gaas Islam Aly Ibrahim Radwan ayaa uga mahadceliyey AUSSOM soo dhoweynta diirran iyo wadashaqeynta hagar la’aanta ah, isagoo tilmaamay in Dowladda Masar ay si buuxda uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato xoojinta dadaallada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Socdaalka Guddiga Qiimaynta ee Masar ayaa u dhaxeeyay 30-kii Agoosto ilaa 5-ta Sebtembar 2025, waxaana uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda lagu horumarinayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah.