HirShabelle isbeddel ma u baahantahay.?

0
6

 11 November 2020 ayey aheyd markii Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo Ali Gudlawe Hussein Xilka lo doortay , sharciyan waxuu waqtigiisa ku “ekaa 11 November 2024 , balse Muddo kororsi ay siisay DFS ayaa lagu heshiiyay 1 sano taasi oo ku beegan 11 November 2025.

Waqtigaasi 5ta sano ah Madaxweynaha HirShabelle keligiis ayaaa ka ahaa darawalka saxda ah oo qof kale oo shirka kula aheyd talo ama xitaa lagu marsiiyoonayo ma jiro , waxey aheyd waqti ku filan qof Madaxweyne ah oo go”aan leh inuu shaqo ku qabto madama uu Barasho iyo la qabsi u baahneyn oo kahor 7 sano uu Jowhar marna ahaa Madaxweyne ku xigeen marna Guddoomiye Gobol.

2 sano ayey marka horaba ku qaadatay in Gole wasiirrro so dhiso August 2022 , Marka laga so tego in la magacaabay 86 wasiir wax ku saabsan arrimaha Dowladnimada lagama shaqeyn , waxaa la siyaasadeedyay mashaariicdii oo idil lama dhisin Ciidan , lama dhisin hey”ado Dowladeed oo tayo leh oo HirShabelle sida la” ogyahay waa meesha ugu tabar liidato shirarka dalka iyo dibadda ka dhaco dhamaan dhaqaalahi world bank 13% ayaa laga fuliyay taasi oo xitaa ku baxday mushaar , lama maareyn dhaqaale kale oo waxaaba si xisaab la”an ah loo isticmaalay deeqaha rasmiga ah ee ay DFS baxiso ee sanadlaha ah , waxa jiro hal mashruuc oo Jowhar jid laami ah ka dhisi lahaa horayna Jowhar MCH ugu sameeyay kaasi waxaa maamulo DFS oo si toos ah lacagta u baxiso.

Heshiis Bulsho ma Jiro oo maalin kasta qabaa”illada ayaa marba qolo la isku diraa si aysan u tashan oo u midoobin , kuwa dulmanayaal ah ayaa haddane horboodo oo iyagane aan si sharaf leh kula joogin.

Si kastaba Md Ali waxan aaminsanahay in waqti ku filan uu qaatay intaasne ay ceeb iyo xaqiiq ugu filantahay , Bulshadaas uu si sharaf leh ugu dhex baxo, doorasho la”aado , Nidaamka HirShabelle dib u heshiiisiin rasmi ah lagu billaabo , dowlad dhis laga shaqeeyo,
bulshada la isku keeno, ragga kale ee joogo qabaa”illada ay kaso jeedan iyo dadkooda aaminaan oo ay ka baxaan riyada aan macnaha laheyn ee ku dhisan in qof si indho la”aan lo taagero kaasi oo aan kursiigiisa xitaa aan xal u heyn qabiil kale inuu kuraastoda ah maamulo iskaba dhaafe.

HirShabelle kuma sii jiri karto boorso iyo Mashaariic la musuqo oo maalinba hal shaqsi shirkadiisa ku dhaco.

Isbeddelka waa muhiiim waxana ka horreeyo siyaasad xasiloon oo HirShabelle bulshadeeda si dhab ah ugu heshiiiiso.