Warbixinta sanadka 2025 ay soo saartay Hay’adda qiimeysa Amniga Caalamka ee Global Peace Index (GPI) ayaa muujisay in Soomaaliya ay horumar samaysay marka loo eego qiimeyntii sanadihii hore, iyadoo hadda ku jirta kaalinta 151-aad ee dalalka dunida ugu amniga wanaagsan.
Soomaaliya ayaa sanadkasta liiska dalalka ugu amniga wanaagsan kor uga soo kaceysay tirooyinka hoose, tillaabadaasi oo lagu sababeeyay howlaha ay Dowladda Federaalka ka qabatay amniga gudaha dalka.
Tusaale ahaa sannadkii 2023, Soomaaliya ayaa ku jirtay booska 156-aad, halka sanadkii xigay 2024 ay soo gashay kaalinta 153 aad.
Inkastoo ay weli ku jirto liiska dalalka ugu hooseeya ee amniga, ayaa haddana waxaa muuqda in horumar jiro. Dalalka ay Soomaaliya ka horreyso dhinaca amniga ayaa Warbixinta xustay in ay kamid yihiin Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa soo dhoweysay warbixinta, iyadoo tilmaamtay in guusha ay ku timid dib u habeyn ay ku sameeyeen amniga guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka AS.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amni iyo xasilloon, iyadoo kaashaneysa ciidanka, shacabka iyo saaxiibada caalamiga.
Warbixinta GPI 2025 ayaa sidoo kale muujisay in dalal kale oo gobolka ku yaalla ay isbedello sameeyeen; Itoobiya waxaa ay kor u kacday shan boos (138-aad), halka Koonfurta Suudaan iyo Sudan ay iyaguna muujiyeen horumar kooban.