Senator-ka Mandera, Ali Roba, ayaa sheegay in magaalada Mandera ay soo galeen ciidamo ka tirsan Jubbaland, taas oo uu ku tilmaamay khatar toos ah oo ka dhan ah madaxbannaanida Kenya iyo badbaadada dadka deegaanka.
Roba ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii darayso, iyadoo iskuullo badan la xiray, ganacsiyadu istaageen, qoysasna barakaceen, halka Jubbaland iyo ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ay hub urursanayaan oo dagaal isu diyaarinayaan.
Senator-ku waxa uu dowladda ku eedeeyay dayac iyo khiyaano, isagoo sheegay in la oggolaaday in ciidamo shisheeye ku sugan yihiin gudaha Kenya. Waxa uu ku digay in haddii dowladdu tallaabo degdeg ah qaadi weydo, dadka deegaanka ay qasban doonaan inay is-abaabulaan si ay naftooda iyo hantidooda u difaacaan.
“Waa in lagu dagaallamo dhulkooda, ee ma aha waddooyinka Mandera,” ayuu raaciyay.
Hadalka Roba ayaa yimid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kipchumba Murkomen, uu ku adkeeyay in aanay jirin ciidamo Jubaland oo Mandera jooga, isla markaana amniga ay gacanta ku hayaan hay’adaha Kenya.
Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqyada xadka ay sabab u yihiin dad shacab ah oo ka soo barakacaya dagaallada Soomaaliya.
Xiisaddan ayaa kicisay mudaharaadyo ka dhacay tuulooyin ku yaalla xadka. Hoggaamiyeyaal kale oo ay ku jiraan masuuliyiin hore ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladdu si degdeg ah arrintan uga jawaabto, iyagoo ka digay in joogitaanka ciidamo shisheeye uu dhaawacayo madaxbannaanida Kenya.