Mareykanka oo xoojinaya taageerada Soomaaliya ee dagaalka AS

0
14

Ka dib kulan saacado qaatay oo ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Dagvin R.M. Anderson ayaa lagu go’aamiyay kordhiyo taageerada la siiyo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Duqeynaha ka dhanka ah AS iyo Daacish.

Sidoo kale, waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen Xaaladda gobolka gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa khataraha amniga iyo in dambiilayaasha ay isku gudbaan dalalka Geeska Afrika.

Taliyaha AFRICOM ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin la xiriirta qorshahiisa dagaalka AS iyo sida uu kaalin uga qaadan karo dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu dhiseyso Ciidanka Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay Taliska AFRICOM taageeradooda dib u habeynta amniga Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in dowladdiisu ka go’an tahay sii wadista iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hana qaada gobolka.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada Beesha Caalamka ee sida dhow Dowladda Federaalka uga taageera dhinacyada amniga iyo caqabadaha kale ee hor taagan dowladnimada.

Maalmihii la soo dhaafay Taliyaha cusub ee Ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Dagvin R.M. Anderson ayaa safaro ku marayay qaar kamid ah dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa ay ku sugan yihiin Askarta Mareykanka.