Trump oo billaabay in uu gacmihiisa mariyo dawooyin si uu u qariyo dhaawacyo ka dhashay xannuun ku dhacay!

0
7

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo saamayn jireed uu ku sheegay gacmihiisa xannuun ku dhacay ayaa billaabay in uu adeegsado dawooyin iyo waxyaabaha la isku qurxiyo si aanay jirkiisa looga dareemin dhaawaca ka muuqda.

Xannuunka ku dhacay Madaxweynaha Maraykanka waxa uu ku sababay in xididada gacmihiisu bararaan maadaama aanay awoodin in dhiigga dib ugu celiyaan Wadnihiisa, xaaladdaan ayaa sababtay in uu si joogta ah ugu dhawaado dhaqaatiirtiisa sida wararku sheegayaan.

Wargayska The Telegraph oo soo xigtay dhaqtarta Madaxweyne Donald Trump ee lagu magacaabo Sean Barbabella ayaa isbaddelka gacanta Madaxweynaha Maraykanka ka muuqda uu yimid kaddib markii uu kordhiyay isticmaalka Kaniiniga loo garanayo Asprin.

Si gacanta Madaxweyne Trump aan looga arkin madowga ama isbaddelka ku dhacay waxaa si joogta ah loo marinayaa budada la isku qurxiyo ee Make up loo yaqaan, tani waxa ay meesha ka saari kartaa in si fudud loo kala garto gacanta xannuunsan iyo tan caafimaadka qabta.

Dhowaan Waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay in uu geeriyooday Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyada oo arrintaas sabab looga dhigay in maalmo la waayay muuqiisa iyo maqalkiisa inkasta oo markii dambe hadalkaas la beeniyay.