Madaxweyne Firdhiye oo daah-furay diiwaangelinta codbixiyaasha Maamulka Waqooyi bari

0
9

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa Magaalada Laascaanood ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyaasha Maamulkaas, waxa uu ku baaqay in dadku is diiwaangeliyaan si ay u doortaan Dadka mudan in ay hoggaamiyaan.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in guud ahaan Dadka Waqooyi bari looga baahan yahay in ay galaan abaabul ay isu diiwaangeliyaan si ay ula baratamaan Maamullada kale ee nidaamka Federaalka ku dhisan ee aqonsiga ka haysta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waa in dadkeennu ay doorashada galaan, is-abaabulaan si weyna isu diiwangeliyeen, waa in aynu la baratanaa maamulada dalka, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in reer Waqooyi Bari ay wacdaro ka dhigi doonaan doorashooyinka qaranka”. Ayuu yiri MW Maamulka Waqooyi bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye.

Xukuumadda laga sugayo ayuu sheegay in ay ku dhisnaan doonto talo wadaag iyo metalaad dadweyne, waxa uu Shacabka u ballanqaaday in uu ka faa’iideysan doonno adeegyada Maamulkiisa waajibka ku ah sida uu hadalka u dhigay.