Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa lasoo bandhigay dhaqaalaha ay heysato iyada oo la sheegay in hantideeda korortay sanadihii u dambeeyay, waxaa lagu sheegay in ay gaarayso $30 Milyan oo doollar sida lagu sheegay daraasaddaan.
Ilhaan oo katirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa mar wax laga weydiiyay lacagtaan waxa ay sheegtay in aanay ahayn Milyaneer, waxa uu hadalkaas dhaliyay dood iyo falanqayn qabsatay Warbaahinta gudaha Maraykanka iyo tan dibadda.
Hantida Ilhaan iyo Seygeeda Tim Mynett waxa ay u dhaxeysaa $6 Milyan oo doollar ilaa $30 Milyan oo doollar, lamaanahaan ayaa dhaqaale ka sameeyay ganacsiga u gaarka ah iyada oo warshado u shaqeeya sida dabagalka lagu ogaaday.
Sanadihii 2023 iyo 2024 waxaa kordhay dakhliga Xildhibaan Ilhaan Cumar, waxa ay sheegashadaas ama warbixinnadaas ku tilmaamtay in ay yihiin kuwo been abuur ah oo la dhoodhoobay tan iyo doorashadeeda.
“Tan iyo markii la idoortay waxaa jiray warar been abuur ah oo la iga faafinayay, sida in aan dhaqaale badan haysto waana been abuur, anigu ma ihi milyaneer” Sidaasi waxaa tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo la hadashay Business Insider horraantii Sanadkaan.
Ilhaan waxa ay siyaasad ahaan is hayaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxaa liiska dagaalkaan afka ah kusoo biiray xubno intooda badan la safan Hoggaamiyaha Dalkaas kuwaas oo adeegsaday ereyo xanaf leh iyo baaritaanno shakhsi.