Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalada ayaa ahaa kuwa ciidanka ay kaga hortagayeen abaabulo kooxda Al-shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
“Guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ee xoogga dalka ayaa guul ka gaaray howlgalka, iyagoo soo saaray miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen wadooyinka ay shacabka isticmaalaan, si loogu waxyeelleeyo dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Howlgalkan uu qayb ka ahaa dadaalada joogtada ah ee ciidanka xoogga dalka ku doonayaan xaqiijinta amniga dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraalka kasoo baxay dowladda laguma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalkaan iyo deegaanada sida gaarka ah ay ugu fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Shabeellaha Hoose.