Saraakiil ka socota Masar oo AUSSOM & DFS kala hadlay goobaha la dajinayo ciidankooda

0
7

Saraakiil Militari oo ka socota Dowladda Masar ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiisha ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo kala hadlay goobaha la dajinayo ciidankooda.

Wafdiga Masar ayaa Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya u sheegay in dufcada ugu horreysa lasoo dejinayo dhowaan iyada oo la geyn doonno goobaha loo asteeyay in ay ka howlgalaan ciidamada Masaarida.

Kooxda saraakiisha ah ee Masar ka socotay waxaa hoggaaminayay Janaraal Islaam Radwaan waxaana soo dhaweeyay saraakiil sare oo Howlgalka AUSSOM iyo Dowladda Federaalka katirsan iyaga oo daqiiqado wada hadlayay.

Ciidamada Masar ayaa qayb ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo taageerrada ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa ay buuxin doonnaan booska Ciidanka Burundi oo Dowladdooda ku dhawaaqday in ay la baxayso ciidankaas.

Ku dhowaad 1,100 Askari oo Masaari ah ayaa loo daabulayaa Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle halkaas oo ah qaybta Ciidanka Burundi maamulaan kana baxayaan sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan AUSSOM.