Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa aroornimadii hore ee maanta dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo sidoo kale loo garanayay (Maaxi & Yoonis) iyo Ibraahim Aadan Maadeey oo horay dil ugu xukuntay.
Cabdiraxmaan iyo Ibraahim ayaa lagu eedeeyay in ay dilal ka gaysteen Magaalada Muqdisho iyada oo Maxkamadda ay horay u dhagaysatay dacwadda ka dhanka ah ee Xafiiska Xeer Ilaalintu soo gudbisay iyo doodda qareennadii ka difaacayay eedahaas.
Guddoonka sare Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goobjoog ka ahaa xukunkaan markii la fulinayay waxa ay sheegeen in xukunkaan uu yahay qisaasta Dadkii ay horay u dileen Cabdiraxmaan Maxamed iyo Ibraahim Aadan sida ay hadalka u dhigeen.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay fulinta xukunnada toogashada ah iyada oo ay weli xiran yihiin Rag qaarkood horay loo xukumay iyo kuwo kale oo xukun sugayaal ah.