Shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen Xubnaha Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa waxaa ay kaga hadleen Xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka.
War-saxaafadeed ay soo saareen Xubnaha Mucaaradka oo Warbaahinta uu akhriyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin Doorashada Dowladda Federaalka ka wado gobolka Banaadir.
“Waxaan ka digeyna Doorashada dowladda qorsheynayso in ay ka qabato gobolka Banaadir, iyadoo aan heshiis lagu aheyn hannaanka iyo guddiga Doorashada” ayaa lagu yiri Bayaanka.
Dhinca kale, Madasha Samatabixinta ayaa ku baaqay in degdeg ah loo qabto Doorashada Madaxda dowlad goboleedyada ee muddo xileedkooda dhammaaday.
“Waa in Madaxda dowlad goboleedyada waqtigooda dhammaaday waa in ay si degdeg ah ku qabtaan Doorasho lagu wada qanacsan yahay” ayay yiraahdeen Madasha Mucaaradka
Hadalka Xubnaha Mucaaradka ayaa ku soo aadaya xilli garab kamid ah Mucaaradka ay la heshiiyeen Dowladda Federaalka.