Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u yeertay danjirayah Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo Woshe si ay su’aalo uga weydiiso hadal kasoo yeeray oo dhaliyay hadal hayn kala duwan.
Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya oo shaki geliyay waxqabadka laga filanayo Ciidamada Jamhuuriyadda Carabta Masar ee ku biiray howlgalka Midowga Afrika AUSSOM ayaa wax laga weydiin doonnaa arrintaas sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Dedefo ayaa meel fog ka istaagay waxyaabaha wanaagsan ee laga rajaynayo ciidamada Masar ee Soomaaliya ka billaabaya howlgalka iyaga oo xiran sumadda Midowga Afrika isla markaana fasax ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Safiirka Itoobiya ayaa bartiisa X (Twitter) waxa uu marar badan soo dhigay warbixinno uu ku dhaleeceynayo Dowladda Masar, isaga oo bogaadinayo tallaabooyinka Dowladdiisa ay qaadday ee dhinaca biya xireenka muranka ka dhex dhaliyay labada Dowladood.
Itoobiya iyo Masar oo xiisad culus oo dhanka isticmaalka biyaha Nile ka dhaxeysa ayaa bah-wadaag ku ah howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya, Ciidankii ugu horreeyay ee Masaarida ee howlgalkaas ku biiraya ayaa dhowaan soo dhammeystay tababarkii la siinayay.
Waxaa la dhowrayaa hadallada kasoo yeera Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriira natiijada kasoo baxda kulankaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ay ugu yeertay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya.