Kulan Looga Hadlaayay Imaashaha Ciidamada Masar oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

0
18

Axad  31, Aug 2025 {RC} Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo Muqdisho kula kulmay u qeybsanaha Difaaca Dalka Masar

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Cumar Cali Cabdi oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto. Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Wasaaradda Col. Ahmed Fatxi Abdelsatar Al-Husseini, u qeybsanaha Difaaca ee Safaaradda Masar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka Difaaca, Tababarka, iyo u diyaar garowga soo daabulidda Ciidamada Masar oo dhawaan ku biiri doona Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee AUSSOM.