Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay hoggaaminta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.Somali cuisine
Madaxweynaha oo bogaadiyey bisaylka ay muujiyeen Xildhibaannada, Guddoonka iyo musharraxiinta Madaxtinimada ee ku loollamay Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Alle uga rajeeyey Hoggaanka la doortay in uu u fududeeyo gudashada masuuliyadda culus ee hortaalla.
“Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil in uu ka yeelo hoggaan mideeya bulshada Waqooyi Bari, kana shaqeeya nabadda, horumarka iyo dowladnimada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay in ay garab istaagto dowlad-goboleedka si wadajir loogu xaqiijiyo dhammaystirka Federaaleynta”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey bulshada iyo hogaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari in ay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo iskaashiga, si looga gudbo caqabadaha jira loona gaaro horumar waara.