Ururka IGAD oo farriin u diray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Mucaaradka?

0
3

Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid qeyb ka qaadanaya midnimada, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ammaanay hoggaamintiisa iyo sida uu uga go’an yahay in dalka uu ku hago nabad iyo wadajir.

“Wada-hadallada iyo wada-xaajoodyada arrimaha weli taagan waa dariiq lagu gaari karo nabad waarta, dowlad-dhis iyo isbeddel dimuqraadi ah,” ayaa lagu yiri bayaanka uu soo saaray Xoghayaha Fulinta.

Dr. Workneh ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada Soomaalida in ay ku dadaalaan tanaasulka iyo wada shaqeynta si loo gaaro xal waara.