Dowladaha Soomaaliya iyo Kazakhstan ayaa ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u yeesheen Xiriir diblumaasiyadeed, sida lagu sheegay bayaan ay wadajir u soo saareen.
Kulan ka dhacay Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ayaa waxaa billaabashada xiriirka cusub wada saxiixay Safiirka Kazakhstan u fadhiya Qaramada Midoobay, Kairat Umarov, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abukar Dahir Osman.
Safiirada Qaramada Midoobay u fadhiya dalalka Soomaaliya iyo Kazakhstan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in iskaashigan la xiriiro arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Labada dal ayaa hore uma laheyn xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah, marka laga tago kulamada ay yeelan jireen madaxda labada wadan oo looga hadli jiray arrimaha taagan.
Soomaaliya iyo Kazakhstan ayaa la filayaa in ay kala furtaan xarruumaha Safaaradaha ee labada dal, si loo sii xoojiyo iskaashigooda.
Kazakhstan ayaa ah dal ku yaalla bartamaha Aasiya oo aan laheyn bad, waxaana uu kamid ahaa wadamadii hoos imaan jiray Midowga Suufiyeet.