Sawiro;-Gollaha wasiirada Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya oo maanata yeeshay shirkoda todobada ah .

0
2

Khamiis, 28 Aug 2025 {RC}Madaxweynaha Dowladda Goabaleedka  Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Goabaleedka  Koonfur Galbeed Soomalaiya  oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed, Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo arrimo la xiriira Siyaasadda guud ee Dalka, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyey Golaha Wasiirrada in ay dardar geliyaan shaqooyinka horyaalla xukuumadda.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Wasiirada ku boorriyeen inay dadaal dheeraad ah ku sameeyaan shaqooyinka Dowladda Gobaleedka KGS si hufan loona turjumo dadaalkaas natiijo muuqata oo lagu gaadho nolol wanaag iyo amni loo dhan yahay oo shacabka Koonfur Galbeed ay helaan.