Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo dhinaca difaaca oo lala saxiixday dalalka Pakistan, Urdun iyo Qadar

0
2

Golaha Wasiiradda XFS ayaa ansixiyay heshiisyo difaaca ah oo Soomaaliya la saxiixatay dalalka Urdun, Qadar iyo Pakistan.

Kulanka toddobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu anxiyay heshiisyo dhinaca difaaca ah oo lala saxiixday dalalka Urdun, Qadar iyo Pakistan.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in heshiisyadan ay muhiim u yihiin dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Heshiisyada ayaa waxaa Golaha Wasiirada hor geeyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo ka warbixiyay hannaanka loo maray iyo waxyaabaha qaranku ka faa’iidi karo.

Dhinaca kale, Golaha Wasiiradda ayaa Wasaaradaha Amniga iyo Difaaca ka dhageystay warbixino la xiriira dagaalka AS iyo Daacish ee ka socda gobolada dalka.