Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle

0
4

 Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay bahda waxbarashada Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir kuwaas oo magaalada Jowhar u yimid shaacinta natiijada imtixaanka dugsiga sare iyo shirka wadatashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya.