Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay Natiijada Imtixaanka Dugsiga Sare

0
8

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Jowhar ku shaacisay natiijada ardayda dhammeystay Dugsiga Sare ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025.

Guud ahaan 38,471 arday ayaa sanadkan galay imtixaanka, waxaana ka baasay 32,714 arday oo u dhiganta 85%, halka 5,757 arday ay ku hartay oo u dhiganta 15%.

Sidoo kale, waxaa kaalinta koowaad ee imtixaanka sanadkan gashay Caaisho Aadan, taas oo ku guuleysatay dhibcaha ugu sarreeya dalka.