Guddoomiye Muungaab oo guddoomiyay Shir arrimo muhiim ah looga hadlay?

0
39

Guddoomiyaha Muungaab ayaa guddoomiyey shirka toddobaadlaha ee Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo lagu falanqeeyey guulaha laga gaaray is-diiwaangelinta shacabka caasimadda. Diiwaangelintan ayaa kor u qaadday maqaamka magaalada Muqdisho, iyada oo bulshada caasimaddu ay muujiyeen diyaar garow xooggan oo ku aaddan ka qaybgalka doorashada golayaasha deegaanka, laga billaabo heer degmo illaa heer gobol.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa dhinaca kale warbixin ka bixiyey safarkii shaqo ee uu ku tagay gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu muddo toddobaad ah ku hoggaaminayey abaabulka ciidamada deegaanka iyo dhiirrigelinta ciidamada qaranka ee ka qaybgalaya dagaalka sifeynta khawaarijta.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa adkeeyay muhiimadda garab istaagga ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, si dalka looga xoreeyo kooxaha khawaarijta.

Shirka ayaa sidoo kale lagu lafaguray dardargelinta hawlaha nadaafadda iyo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka ka dhasha bullaacadaha iyo biyo-mareennada, taas oo sababta caqabado dhinaca nadaafadda iyo caafimaadka ah. Guddoomiye Muungaab ayaa faray Agaasimeyaasha Hawlaha Guud, Nadaafadda, Bullaacadaha iyo Madaxda Degmooyinka in si degdeg ah tallaabo wax-ku-ool ah looga qaado arrintan.

Shirka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Md. Cabdimajiid Daahir Aadan; Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.