Ku dhawaad 100 ruux oo lagu dilay Gobolka Daarfuur ee Dalka Suudaan

0
4

 Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in baaris lagu sameeyay dilal is xigxigay oo ka dhacay Gobolka dhaca Galbeedka Suudaan ee Daarfuur lagu dilay 89 ruux muddo ku siman 10 cisho sida lagu sheegay warbixintaan.

Sarkaal katirsan Qaramada Midoobay isla markaana qaabilsan dhinaca Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen dhibaatooyinka ay geysteen dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan tan iyo bishii Abriil sanadkii 2023.

Dagaalka u dhaxeeya Cabdifitaax Al-Burhaan iyo Maxamed Xamdaan Daglo ayaa galaaftay nolosha dad badan oo reer Suudaan ah kuwaas oo xitaa qaarkood si bareer ah loo dilay lana soo duubay muuqaallo markii dambe ku faafay baraha Bulshada.

Kooxda RSF oo garab ka heleysa Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay in ay gashay dambiyo kala duwan sida dilal toos ah, kufsi iyo beegsi ka dhan ah kooxo ka shaqeeya arrimaha bani aadamnimada.

Ciidamada Dowladda ee hoostaga Janaraal Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa qudhooda lagu eedeeyay in ay geysteen falal kasoo horjeeda xuquuqda aadanaha sida duqeymo ay ka geysteen Magaalooyin sida Khartuum iyo kuwo kale.