Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay Daroogo

0
5

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay Daroogo si qarsoodi ah lagu soo galiyay Dalka, taasi oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in gacanta lagu dhigay daroogo culus oo ka koobnayd 48 jawaan, mid kasta oo ay ku jirto 52 baakadood, taas oo wadarteedu noqoneyso 2,496 baakadood iyo lix kartoon oo xaashiyo lagu xirxiray daroogadaas.

Daroogadan khatarta ku ah badqabka bulshada ayaa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo la qabtay intii aanay ka bixin garoonka.

Xafiiska ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno rasmi ah si loo ogaanayo cida ku lugta leh soo gelinta daroogada, iyadoo la horgeyn doono Maxkamada Awoodda u leh.

Ugu dambeyn, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa udigay cid kasta oo isku dayda inay ka ganacsato daroogada oo khatar ku ah caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed.

Sidaan oo kale, Maxkamadaha dalka ayaa la horgeeya dad ku eedeysan in ay si qarsoodi ah daroogo ku soo galeen gudaha dalka.