Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Waqooyi bari ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool, waxaana u tartamaya musharrixiin muddooyinkii dambe waday olole mid weliba uu ku doonayo in uu uga adkaado kan kale.
Magaalada Laascaanood saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka socday diyaargarow xooggan oo la xiriirta dhinaca Guddiga Doorashada, Guddoonka Kumeel-gaarka ah oo xoogga saaraya nidaamka goobta codbixinta iyo kala xod-xodashada Xildhibaannada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa goobjoog ka ah howlaha dib u dhiska maamulka cusub ee Waqooyi bari, waxa ay talooyin siinayaan guddiga farsamo iyo kan howshaas wada.
Ugu dambeyn marka la doorto guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Waqooyi bari waxa uu guddoonkaas shaacin doonnaa guddi kale oo ka shaqeeya doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulkaas sida ay sheegeen xubno kala duwan.