Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa xiriirka Bulshada waxa uu ku faah-faahiyay duqeymaha aan kala go’a lahayn ee Ruushka uu ka geysanayo gobollo kamid ah Dalkiisa.
Zelensky oo og in dhiggiisa Maraykanka Donald Trump uu uga janjeero Ruushka ayaa markaan soo ifbixiyay arrin la xiriirta in duqeymahaas Ruushku ay dhulka dhigeen Warshad uu leeyahay Maraykanka oo soosaarta qalabka elektarooniga ah.
Waxa uu sheegay in Warshaddaan aanay lagu sameyn ama soosaarin hub balse uu la yaaban yahay in sababta Ruushka isaga oo og uu u beegsaday, waxa uu intaas ku daray in la sugayo jawaabta Madaxweyne Trump uu ka bixiyo.
Warshaddaan waxa ay ku taallaa Gobolka Zakarpattia ee Galbeedka Ukraine, Madaxweyne Volodymyr Zelensky ma uusan sheegin khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay balse waxa uu xusay in ay jirto waxyeello xooggan oo soo gaartay Warshaddaas.
Donald Trump oo ah Hoggaamiye isbaddel badan ayaa la ogayn go’aanka uu ka qaadan doonno weerarka culus ee Ruushka ku qaaday Ukraine kuna waxyeelleeyay mid kamid ah Warshadaha dalkiisa laga leeyahay ee ku yaalla halkaas.
La soco wixii kasoo kordha