Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbaddel ku sameeyay wadahadalka Dowladda iyo Mucaaradka, dhowr kulan oo dhacay waxaa diiradda lagu saaray tabashooyinka jira iyo sida loo xalin karo.
Kahor inta aan la dooran May 15, 2025-ka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay Dowladdii xiligaas jirtay albaabada ka xirtay mucaaradka oo uu xubnaha ka ahaa, waa tan keentay in markii dambe khilaafka siyaasiga ahaa uu kordhay gaaray gacan qaad dhexmaray dowladda iyo mucaaradka, taas oo sababtay dhamimasho, dhaawac, iyo barakac.
2023-ka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Shir ka dhacay magaalada Baydhabo waxa uu uga hadlay farqiga u dhaxeeya wadahadalkii xilligaas loo diiday in lala yeesho balse hadda uu ka duwan yahay sidii hore.
Xasan Sheekh Maxamuud, Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay ayuu sheegay in ay la fadhiisaneyso oo dhageysaneyso cid weliba oo tabasho qabta si meel loo dhigo doodda ay qabto, tani waxa ay muujineysaa isbaddelka labada waqti.
“Anaga maalintaas ha nalala hadlo ayaa nagala diiday, muddo kordhin 2 sano ah ayaa la sameeyay oo la diiday in nalaga hadlo, laakiin hadda Koofur Galbeed gogol ayaa fidsan, kaalay soo fadhiiso, maxaa qabtaa, maxay kula tahay oo aan wadahadalno meelna aan isla dhigno berri, marka ma jirto sabab loo dagaalami karo,” sida uu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Tan iyo maalintii ugu dambeysay ee bisha Ramadaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mucaaradka, isaga oo kala hadlay qodobo ay isku hayaan labada dhinac, kuwaas oo salka ku haya Dastuurka gaar ahaan Cutubka 4-aad oo diiradda saaraya habka loo dooranaya madaxda dowladda dhexe, dowlad gobaleedyada, Golaha deegaanka, iyo muddo xileedka.
Sidoo kale mucaaradka iyo dowladda oo yeeshay shan kulan ayaa laga soo saarin natiijo rasmi ah, waxaana muuqata in madmadow uu soo kala dhexgalay dowladda iyo mucaaradka, xilli madasha Samatabixinta ay Augusta 14, 2025-ka soo saareen warsaxaafadeed ay ku dalbanayaan in doorashada lagu qabto xilligeeda.
Muddo xileedka Dowladda Federaalka oo ugu waqti dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku siman Bartamaha May 2026, waxaana la saadaalinayaa in kulamo kale ay yeeshaan labada dhinac.