Saraakiil kulan Deg Deg ah ka yeelatay Xaalada Baladweyne

0
7

Saraakiisha Ciidamada Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa Xarunta Guutada Shanaad waxaa ay ku yeesheyn Shir looga hadlayay xaalada Amaan ee Baladweyne,

Ku simaha Taliyaha Qeeybta 27 ee Ciidanka Xooga Dalka Cabdullaahi Barre iyo Sarakiil kale ayaa iska wareeystay Xaalada Amaan ee Magaalada Baladweyne iyo sidii looga hortagi lahaa ineey ka dhacaan Falal la Xiriira Amni Darro Maadama Kooxda AS dhawaan ay la wareegtay Deegaano Muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Hiraan

Baladweyne ayaa Maalmihi Dambi waxaa ka jiray Falal lidi ku ah Amaanka Magaalada iyadoona shacabka ay Muujinayeen Walaac ay ka qabaan ineey sii kororto Amni Darada

Tan iyo Markii Billowgii sanadkaan Amaanka Magaalada Baladweyne lagu wareejiyey Ciidamada Dowladda waxaa yaraaday Dhibaatooyinkii ay la kulmayeen Shacabka ee u badnaa Dhaca Joogtada ay sameeynayeen Malleeshiyaadka Hubeeysnaa ee ku sugnaa Magaalada,

Si loo siii Xoojiyo amaanka Magaalada ayaa saraakiisha ku kulmay Baladweyne waxay Maanta isla Garteen in la qaado Tallaabooyin lagu Xaqiijinaayo Amniga