Putin & Trump oo heshiis ku gaari waayay soo afjaridda Dagaalka Ukraine

0
7

Satii 16 , Aug 2025 {RC}Wadahadal socday in ka badan 3 saac oo dhexmaray Madaxweyneyaasha Maraykanka Donald Trump iyo Kan Ruushka Vladimir Putin ma jirto natiijo rasmi ah oo ay ka gaareen wadaxaajoodkooda la xiriira soo afjaridda dagaalka Ukraine.

Putin iyo Trump oo Warbaahinta la hadlay kulankooda kaddib waxa ay diideen in ay su’aalo weydiiyaan suxufiyiinta ku sugnayd goobta ee dooneysay in ay qod-qodaan si ay bannaanka usoo dhigaan xogta natiijada wadahadalkooda.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa adeegsanayay ereyo uu ku muujinayo in dalkiisa uu ka awood sarreeyo Ruushka halka Vladimir Putin uu ku dhawaaqayay ereyo lamid ah kuwa uga imaanayay Trump.

Suxufiyiin joogtay goobta ay shirka jaraa’id kuwada qabteen Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Maraykanka Donald Trump ayaa kulankaan ku micneeyay in uu ahaa is xog-wareysi maadaama wax la taaban karo oo kasoo baxay aanay jirin.

Arrintaan waxa ay dan u tahay Ukraine oo markii horay diidaneen in qayb kamid ah dhulka uu ka heysto Ruushka loo ogolaado in uu qaato si uu u dhiibo qayb kale, Madaxweyne Volodymr Zelenesky & Xulufadiisa Yurub ayaa u sacba tumay natiijadaan.

Siyaasiyiinta qaar ayaa shaki cusub abuuray kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu masraxa ka yiri “Ma gaarnay halkaas” kaddibna waxa uu ka degay goobta uu shirka jaraa’id ku qabanayay isaga oo diiday in uu jawaab siiyo Suxufiyiinta su’aalaha diyaarsaday.