Satii 16 , Aug 2025 {RC}Amar kasoo baxay taliska guutada 10aad ee Ciidanka Xoogga Dalka fadhigiisuna yahay Gobolka Gedo waxaa Ciidamada lagu faray awaamiir cusub oo la dul dhigay kuwaas oo la sheegay in lagu xoojinayo amniga sida hadalka loo dhigay.
Awaamiirtaan waxaa kamid ah in Ciidamada Militariga laga mamnuucay in ay hubkooda la dhex tagaan Magaalada Garbahaarey Xarunta Gobolka Gedo xiliyada fasaxa ay yihiin ama danaha gaarka ah ka leeyihiin Magaaladaas.
Sidoo kale, waxaa laga mamnuucay in ay ridaan rasaas, askarigii qaadan waaya amarkaan waxaa la sheegay in la horgeynayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida laguna soo eedeyn doonno amar diiddo iyo qalqalgelin amni.
Taliyaha guutada 10aad ee Ciidanka Xoogga ee Gobolka Gedo Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorrax oo la hadlay Ciidamo isugu jiray kuwo cusub oo dhowaan tababar la siiyay iyo askar horay uga soo shaqeeyay Garbahaarey ayaa amarkaan siiyay.
Waxa uu sheegay in hubka iyo rasaasta Dowladda ay kasoo bixiso lacag badan sidaas awgeed aanay la aqbali Karin in si bilaa micno ah loo adeegsado ama loo rido rasaasta, askarigii sameeya sidaasna la horgeynayo caddaaladda sida uu yiri.
“Waa mamnuuc in rasaas amar la’aan ah la iska rido, taas oo shacabka ku abuuri karta qalqal iyo waxyeelo iskugu jirta dhaawac iyo dhimasho, waxaa dhowaan geeriyootay Haweeney kaddib markii rasaas la riday oo aan ku dhicin ay ka naxday.” Taliyaha Guutada 10-aad ee CXDS ee gobolka Gedo Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax
Gobolka Gedo waxaa ka socda howlgallo ay wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa dhinac socda baaris lagu hayo qaar kamid ah ciidamadaas oo lagu eedeeyay in ay ku dhaqaaqeen falal kahor imaanaya anshaxa sida jirdil, caga-jugleyn & qalqalgelin amni.