Satii 16 , Aug 2025 {RC}Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa saakay ka billowday diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyada oo loo asteeyay afar goob sida uu sheegay guddigaas.
Dadka ayaa laga buuxin doonnaa xogtooda, waxaa laga qaadi doonnaa sawirro iyo faro iyada oo kaddib la siin doonno warqadda muujineysa in ay mareen habraaca sida ay sheegeen xubno katirsan Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka.
Goobaha uu guddiga sheegay in la dhigay qalabka diiwaangelinta ayaa kala ah: Xarunta kacaanka ee Degmada Afgooye, Xarunta Qaran Iskuul ee Degmada Afgooye, Xarunta Dugsiga Sare ee Degmada Afgooye & Xarunta Tadaamun Iskuul ee Degmada Afgooye.
Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka ayaa laga sugayaa in uu soosaaro warbixin muujineysa dadka diiwaangelinta maray, inkasta oo xubnaha mucaaradka ah ay kasoo horjeedaan qaabka diiwaangelinta balse Guddiga ayaa howshiisa wata.
Madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qudhooda maray nidaamka diiwaangelinta Codbixiyeyaasha waxaana ugu dambeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kahor kaarka ku qaadday Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.