Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay saddex katirsanaa AS

0
5

Khamiis 14, Aug 2025 {RC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku fulisay xukun dil toogasho ah saddex nin oo lagu helay dambiyo la xiriira ka mid ahaanshaha AS iyo ka qeyb qaadasho falal amni-darro oo dhimasho sababay.

Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Qudama Xamse Yuusuf, Cabdi Xasan Rooble, iyo Ibraahim Omar Shama’un.

Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta dowladda, saddexdan eedeysane ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo sababay khasaare isugu jira rayid iyo ciidamo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u billaawday toogashada dadweynaha oo muddo hakad ku jirtay. Isniintii, 11-ka Agoosto 2025, labo askari oo ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya lagu fuliyay xukun dil kaddib markii lagu helay inay la shaqeynayeen AS  si loo dilo taliyahooda.

Bishan oo keliya, lix qof oo xiriir la lahaa AS ayaa lagu fuliyay xukun dil gudaha dalka.