Khamiis 14, Aug 2025 {RC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo ciidanka dowladda iyo maleeshiyo hubeysan ku dhex maray aaga Isgoyska Tarabuubka ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka dowladda ay amreen in laga guuro dhulka Kooxda Kubadda Cagta ee Xoogga Soomaaliya ee Horseed.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka oo si goos goos ah uga socda meel u dhow isgoyska Tarabuunka.
Dagaalka ayaa saameeyay isku socodka dadweynaha, waxaana la soo warinaya in ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco.