Puntland oo xaqiijisay in gacanta lagu dhigay masuul loo haysto kiisas kufsi.

0
6

Arbaco 13, Aug 2025 {RC}Hay’adaha amniga Puntland, oo kaashanaya Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya (NISA) iyo Booliiska Adduunka (Interpol), ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay Agaasimihii hore ee Isbitaalka guud ee Qardho, Dr. Jaamac Ildab, oo loo haysto kiisas kufsi ah.

Eedeysanaha ayaa maalintii Isiinta lagu qabtay dalka Ruwanda, kaddib safar uu kagasoo baxay Jabuuti. Wuxuu horey ugu dhuumanayay magaalada Addis Ababa, iyadoo Puntland ay horey ugu jartay waaran soo qabasho ah.

Warar hore oo saxaafadda lagu qoray oo sheegayay in lagu qabtay Koonfur Afrika ayaa waxaa beeniyay laamaha amniga, kuwaas oo faahfaahiyay in Ildab dhowr maalmood ka hor uu ka baxay Jabuuti, kaddibna uu sii maray Qatar, ugu dambeynna uuka degay Kigali.

Kiiskiisa weli maxkamad laguma horkeenin, balse hay’adaha amniga ayaa sheegay in koox rag ah oo kiiskan lala xiriiriyo ay hadda ku jiraan gacanta booliiska, isla markaana dhammaan eedeysanayaasha si wadajir ah loo horkeeni doono maxkamad.

Ildab ayaa lagu eedeeyay in uu falalka kufsiga ah geystay maalmo kaddib markii laga eryay shaqada isbitaalka Qardho. Sida aan xogta ku helnay, hay’adaha amniga ayaa gacanta ku haya muuqaallo galmo kufsi ah oo ay ka duubeen mid kamid ah dhibbnayaasha kufsiga loo geystay.