Axad 03 Agoosto 2025 {RC}Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ciidamo katirsan kuwa Badda ee loosoo gaabiyo PMPF geyneysa Magaalo xeebeedka Laasqoray ee Gobolka Sanaag si ay halkaas uga dhigtaan saldhig cusub oo ay ka abaabulayaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & Daacish.
Saraakiil katirsan Ciidanka PMPF ayaa laga soo xigtay in ciidamadooda loo diyaariyay sidii ay u gaari lahaayeen Magaalada Laasqoray maadaama Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu horay u sheegay in halkaas wajiga labaad ee howlgallada laga billaabayo.
Waxaa socda qorshe lagu ballaarinayo howlgal isku xiran oo kasoo billaabanaya Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari isla markaana la gaarsiinayo Laasqoray oo Gobolka Sanaag sida ay sheegeen ilo ku dhow ciidamadaas la daabulayo.
Puntland ayaa howlgalka ay ugu magac-dartay Onkod waxa ay ku sheegtay in ay ku gaareyso Buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag, ciidamada ayaa sidoo kale marka ay saldhigga sameystaan ku dhaqaaqi doonno howlgal dhinaca dhulka ah.
Gobolka Sanaag oo maamul ahaan Dowlad-Goboleedka Puntland sheeganeyso in ay maamusho waxaa sidoo kale la sheeganaya Maamulka dhowaan lagu dhawaaqay ee loo bixiyay Maamulka Waqooyi-bari oo aan weli ka jawaabin qorshaha ciidanka PMPF lagu geynayo Laasqoray.