Israa’iil oo dalbatay in lagu garabsiiyo sidii Xamaas looga sii deyn lahaa Maxaabiista ay ka heysato

0
17

Axad 03 Agoosto 2025 {RC}Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa walaac ka muujisay muuqaal dhaqdhaqaaqa Xamaas ay kasoo duubtay Maxaabiista Israa’iil ee gacanta ugu jira kuwaas oo jirkooda ka muuqato macluusha ka dhalatay go’doonka saaran Dhulka Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa ku qaylo-dhaamiyay in kulan degdeg ah oo looga shaqeynayo sii deynta dadkaas in ay isugu yimaadaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee daneynaya xaaladda Bariga Dhexe.

Gideon waxa uu tilmaamay in aanay indhaha laga qabsan Karin xaaladda ay ku sugan yihiin Maxaabiista Yuhuudda ah ee Xamaas heysato kuwaas oo macluusha ka dhalatay go’doonka cuntada ay sababtay in jirkooda isbaddelo oo xitaa qaarkood la aqoonsan waayo.

Waxa uu iska indha-tiray in Xukuumadda uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ka yahay ee ka dambeysa go’doonkaan ay qaaddo tallaabooyin lagu burburinayo xayiraadda dhinaca cuntada ah ee saaran Marinka Gaza.