Khamiis 31 July 2025{CBB}Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Charles King, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, isagoo xusay doorka ay dowladda Ingiriisku ku lahayd taageerada Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga labada dhinac. Waxa uu si gaar ah u xusay in xidhiidhka Somaliland iyo UK uu yahay mid qoto dheer oo soo jireen ah, kuna dhisan is-aamin iyo wax-wada qabsi.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha Somaliland waxa uu Danjiraha uga xog-warramay tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee Xukuumaddiisu ka hirgelisay gobollada Bariga Somaliland tan iyo intii uu xilka la wareegay 12-kii December 2024. Tallaabooyinkaas waxa ka mid ah qaramaynta ciidamada madaniga ah iyo gaadiidkooda, kordhinta iyo tayeynta mushaharka ciidamada, iyo soo afjaridda colaado muddo dheer ka jiray deegaannada Ceel Afweyn. Waxa uu sidoo kale xusay dedaallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka iyo u diyaar garowga doorashooyinka.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in arrimaha amniga ee Sool iyo Sanaag ay Xukuumadda Somaliland u marayso waddo nabadeed, iyadoo marar badan ku celisay baaq nabadeed oo aan shuruud lahayn. Waxa uu sheegay in uu sameeyey Guddida Nabadd, kana shaqeynayo sidii wada hadal lagu xallin lahaa xiisadaha, isagoo xusay in Somaliland aanay u arkin dagaalka mid xal keeni kara.
Waxa uu intaas ku daray in Somaliland dani ugu jirto nabad waarta iyo degenaansho siyaasadeed.
Madaxweynuhu waxa uu si cad ugu eedeeyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, in ay hurinayso colaado ka dhaca Sool iyo Sanaag si ay uga jeediso shacabka Soomaaliya mushkiladaha gudaha ee ka haysta maamulkiisa.
Waxa uu sheegay in Somaliland si masuuliyad leh ugu hawlan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonida, iyadoo aan marna ka leexan doonin dariiqa wadahadalka iyo xal waara ee danta guud ku jirto.
Danjire Charles King, oo isaguna dhankiisa hadlay, waxa uu Madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey in Dawladdiisu si weyn u qiimaynayso xidhiidhka taariikhiga ah ee ay la leedahay Somaliland. Waxa uu si gaar ah u bogaadiyey amniga iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, hannaanka dimuqraadiyadda, doorashooyinka xorta ah, iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay leedahay awood dhaqaale oo weyn, gaar ahaan Dekedda Berbera, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha gobolka.
Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in la dhiirrigeliyo maalgashiga gaarka loo leeyahay, maadaama uu yahay furaha horumarka dhaqaale. Waxa uu si gaar ah u bogaadiyey dedaallada ay Somaliland ugu jirto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan ganacsiga, dekedaha, iyo adeegyada bulshada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Dawladda Ingiriisku ay diyaar u tahay in ay Somaliland kala shaqeyso horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta fursadaha maalgashi ee gaarka loo leeyahay.
Ugu dambayn, Danjiruhu waxa uu walaac ka muujiyey xaaladda magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in ay colaad hor leh keeni karto.
Waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso in ay ka fogaadaan dagaal hor leh oo dhaawaca nabadda iyo horumarka gobolka. Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqaynta joogtada ah, iyagoo muujiyey diyaar garow ay ku sii ambaqaadaan iskaashi miro-dhal ah oo ku salaysan danaha labada shacab sida Madaxtooyada Somaliland sheegtay.
Magaalada Laascaanood ayaa xalay lagaga dhawaaqay maamul ka madaxbnaan Somaliland iyo Puntland labadaba, oo loo bixiyay Waqooyi Bari Soomaaliya. Somaliland ayaa maamulkan cusub u aragta mid khatar ku ah jiritaankeeda.