Madaxweyne Xasan Shiikh oo tagay halka lagu sameeyo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar.

0
6

Jimco, 18 July 2025 {RC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa booqasho ku tagey xarruunta Xarunta Teknolojiyadda Turkga Özdemir Bayraktar oo ah goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee qeyb ka qaata dagaalka AS.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo uu wehliyay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa warbixino ka dhageystay madaxda iyo injineerada xarunta, kuwaas oo ka hadlay teknoolojiyadda casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) iyo qalabka difaaca.

Intii uu socday kormeerka, Madaxweyne Xasan Sheekh Türkiye ku boggaadiyay horrumarka ay ka sameeyeen warshadaha, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto khibradaha Awoodda Difaaca iyo Tiknoolajiyadda loogu dardar galiyo dagaalka AS.

Xarunta Özdemir Bayraktar ayaa kamid ah meelaha ugu horreeya ee laga soo saaro qalabka Tiknoolajiyadda casriga ah sida Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Turkiga ayaa Diyaaradahiisa aan duuliyaha laheyn qeyb ka qaataan duqeymaha cirka ah iyo dagaalka AS.