Ingiriiska oo DF ku wareejisay xero ciidan oo ku taala Baydhabo

0
8

Jimco, 18 July 2025 {RC}Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah ula wareegay xaruntii tababarrada ciidamada ee ay dhistay isla markaana ay taageeraysay Dowladda Ingiriiska ee magaalada Baydhabo, kadib kulan uu la yeeshay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles Nicholas King.

Xaruntan ayaa si buuxda loogu wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga, si ay uga qeyb uga qaadato tababaridda ciidamada qaranka.

 

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan safaaradda Ingiriiska, oo uu ka mid yahay Kabtan James Edwards, u qaabilsanaha milateriga ee safaaradda.

 

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u tilmaamay muhiimadda xarunta Baydhabo ee dhanka tayeynta ciidamada iyo dar-dargelinta howlgallada lagula dagaallamayo AS.